Valverde Oo Ku Dhawaaqay Liiska Xidigaha Uu Kala Hor Tagi Doono Kulanka Deportivo La Coruna

(Barcelona) 28 Abriil 2018 Barcelona ayaa  marti ugu noqon doonto kooxda Deportivo La Coruna, si ay u wada ciyaaraan kulan ka tirsan kulamada 35-aad ee horyaalka La Liga ee dalka Spain, Blugarana ayaa maskaxda ku heysa inay hal dhibac u jirto ku guuleysiga koobka horyaalka La Liga xili ciyaareedkan.

Ernesto Valverde iyo wiilshiisa ayaa waxay u baahan yihiin in koobka La Liga ay ku mataaneeyaan Copa del Rey ay kaga guuleyteen sabtidii lasoo dhaafay ee kooxda Sevilla.

Ernesto Valverde ayaa ku dhawaaqay liiska ciyaartoyda Barcelona uu kala hor tagi doono kulankan, waxaana kusoo wada baxay dhamaan xidigaha ku sugan kooxda Blugarana, maadaama ay u badan tahay inay ku guuleysan karaan koobka La Liga, maadaama ay kooxda reer Catalonia ay hogaanka ku heyso 83 dhibcood, waxayna 11 dhibcood kaga hogaamineysaa kooxda ku soo xigta.

Liiskan waxaa xitaa kusoo baxay Sergi Roberto, inkastoo uu casaan qaatay kulankii ugu dambeeyay ee Celta Vigo.

Liiska Xidigaha Uu Soo Saaray Ernesto Valverde  Ee Kooxda Barcelon Kulanka Deportivo La Coruna:

Goohayayaasha: Ter Stegen, Cillessen

Daafaca: Jordi Alba, Lucas Digne, Gerard Pique, Thomas Vermaelen, Yerry Mina, Samuel Umtiti,  Sergi Roberto, Nelson Semedo.

Dhexda: Rakatic, Busquets, Coutinho, Iniesta, Pualinho, Denis Suarez Andre Gomes, Aleix Vidal, Paulinho.

Weeerarka: Ousmane Dembele, Luis Suarez, Paco Alcacer, Lionel Messi.

Waxaa xusid mudan in Deportivo La Coruna ay go’aansatay in ay safaf sharafeed ugu sameeso garoonkeeda kooxda Barcelona, kadib markii ay kusoo guuleysatay Barca Copa del Rey, isla markaana ay kusii dhawaaneyso ku guuleysiga koobka horyaalka La Liga.

Gool FM.

 

 

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close