Zlatan Ibrahimovic Oo Ku Jees Jeesay Xulkiisa Qaranka Sweden Kahor Koobka Aduunka Ee 2018

(Sweden) 27 Abriil 2018 Zlatan Ibrahimovic ayaa ku maadeystay go’aankii uu xulkiisa qaranka Sweden kaga soo hor jeestay inuu ka laabto go’aankii uu kaga fariistay ciyaaraha heerka caalami, si uu kala qeyb galo xulkiisa koobka aduunka soo aadan ee 2018.

Ibrahimovic ayaa codsaday inuu ka laabto go’aankii uu isaga casilay ciyaaraha heerka caalami, kadib markii uu ku dhawaaqay is casilaadiisa sanadii 2016, laakiin macalinka xulka qaranka Sweden iyo ciyaartoyda ayaa waxay si weyn kaga soo hor jeesteen inuu dib u soo laabto.

Zlatan oo si jees jees ah kaga hadlayay go’aankii looga soo hor jeestay dib ugu laabashadiisa xulka Sweden wuxuuna yidhi: “Qeyb kama ihi koobka aduunka xulkeyga garanka, ma jirto wax dhibaato ah ee arintan ku aadan, laakiin waxaan ugu safri doonaa koobka aduunka diyaarad”.

“Waxaan qabaa in Sweden uu ugu cad cad yahay inay ku guuleysato Koobka Adduunka 2018, sababtoo ah waxay fiican yihiin la’aanta Zlatan Ibrahimovic”.

Laakiin waxaa hubaal ah in Zlatan Ibrahimovic uu kasoo muuqan doono koobka aduunka ka dhici doono dalka Russia, laakiin wuxuu kaga soo muuqn doonaa isagoo ah safiir ka mid ah safaaradda “visa”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close