Messi iyo Suarez ka ma soo qayb galin sagootintii Andres Iniesta ee galabta iyo sababta oo la ogaaday

(Barcelona) 27 Abriil 2018 Dhamaan xiddigaha kooxda Barcelona ayaa galabta goob joog ka ahaa sagootintii kabtan Andres Iniesta kaas oo 22-sano kadib ka tagaya kooxdiisa.

Qoyska laacibka, madaxwaynaha Barcelona, shaqaalaha kooxda iyo ciyaartoyda ayaa xaadir ku ahaa hoolka shirarka ee garoonka Camp Nou si ay u macsalaameeyaan Andres Iniesta.

Image result for Iniesta 27-4-2018

Laakiin Lionel Messi iyo Luis Suarez ayaan ka soo qayb galin sagootintii Andres Iniesta, inkasta oo sagootin kale loo samayn doono laacibka dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Waxaa la sheegay in Messi iyo Suarez ay ku mashquuleen xaalado iyaga u gaar ah oo u suurogalin waayay inay ka soo qayb galaan sagootinta kabtanka kooxda.

Messi ayaa la sheegay inuu kulan la lahaa wasaarada arimaha gudaha Spain oo uu kala hadlayay arimo quseeya jinsiyada xaaskiisa iyo ilmihiisa sida ay baahisay Mundo Deportivo.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close