Daniele De Rossi: “Wuxuu Ahaa Go’aan Qaldan In Aaan Maro Wadadan”

(AS Roma) 27 Abriil 2018 Daniele De Rossi ayaa qirtay in sii joogi taankiisa kooxda AS Roma, ay ahayd doorasho uu ku qaldanaa inuu sameeyo, hadana dhinaca kale wuxuuna tilmaamay in uu kooxdiisa uu kula guuleysto koob inay tahay waxa ugu fiican noloshiisa.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Talyaaniga ayaa xirfadiisa oo dhan ku qaatay AS Roma, inkastoo uu go’aankiisa sabab u noqotay inuu kula guuleysto labo koob oo kaliya kooxda ka dhisan caasimada Italy, kuwaasoo kala ah Italian Cup iyo Super Cup.

De Rossi  ayaa u sheegay “Football Plus” ee dalka Talyaaniga: “Waxaa laga yaabaa in go’aankeyga joogitaanka Roma uu ahaa mid khalad ah xirfad ahaan, laakiin waan ogaa midaas”

Si kastaba AS Roma ayaa Arbacada ku marti gelin doonta kooxda Liverpool garoonka Olympic Stadium, si ay u wada ciyaaraan lugta labaad wareega afar dhamaadka ee tartanka Champions League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close