Xiddiga Liverpool Sadio Mane oo cabsi laga muujinayo Markii lagu arkay Isbitaal kadib gushii kulanka Roma

( England ) 26 April 2018. Liverpool ayaa wajihi doonta cabsi kale kadib markii weeraryahankooda Sadio Mane uu booqday Isbitaal waxaana laga yabaa in shaki la galiyo kulanka lugta labaad ee afar dhamaadka  Champions League oo ay la ciyaari doonaan Roma.

Laacibka heerka caalami ee dalka Senegal wuxuu lug ku tagay Spire Hospital oo Liverpool ah maanta oo arbacaa xili uu u muuqday mid  dhutinaayay. Wuxuuna dhismahaas ku jiray saacad iyo bar ka hor inta uusan bixin.

Fiidkii hore, Mane ayaa si buuxda u dhameystay 90-ka daqiiqo kulankii ay garaaceen kooxda Roma ciyaartii Anfield iyadoo macalinka Jurgen Klopp uusan ka sheegin wax dhaawac ah ciyaarta kadib.

Mane looks at the cameraman as he walks into the hospital  The star looks behind him as he arrives at the Spire Hospital in Liverpool on Wednesday

Laakiin waqtiga yar ee ka dhiman arbacada soo socota kulanka Roma, waa mid walaac ku beereysa arintaan kooxda Reds oo uu horey dhaawac kaga soo gaaray Alex Oxlade-Chamberlain kasoo maqnaan doona inta ka harsan xili ciyaareedka,

Emre Can iyo  Adam Lallana ayaa kal horaba ka dhaawacnaa kooxda kadib dhaawac gaaray bishii lasoo dhaafay, taasna waxey uga dhigan tahay macalinka Liverpool ee klopp inuu u heysto qadka dhexe kaliya cayaartoyda Jordan Henderson, James Milner  iyo Georginio Wijnaldum.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close