RASMI: Bayern Munich Oo Shaacisay In Jerome Boateng Uu Seegi Doono Inta Ka Dhiman Xilli Ciyaareedkan

(Bayern Munich) 26 Abriil 2018 Bayern Munich ayaa maanta ku shaacisay website-keeda rasmiga ah inuu soo idlaaday xili ciyaareedka difaaca kooxdeeda iyo xulka qaranka Germany Jerome Boateng, kadib markii uu dhaawac kasoo gaaray kulankii xalay ee Real Madrid.

Jerome Boateng ayuu soo gaaray dhaawac dhanka muruqa ah inta lagu gudi jiray kulankii lugta hore wareega afar dhamaadka ee tartanka Champions League ee ka dhacaya garoonka Allianz Arena, waxaana laga yaabaa inuu garoomada ka maqnaado mudo dhan ilaa lix isbuuc.

Difaaca xulk qaranka Germany ayaa wuxuu bilaawi doonaa inuu la dagaalaamo waqtiga si uu kala qeyb galo xulkiisa qaranka Germany koobka aduunka soo aadan ee 2018 ka dhici doono dalka Russia.

Boateng ayaa wuxuu kaga soo muuqday kooxda Bayern Munich 19 kulan ee ah horyaalka Bundesliga xili ciyaareedkan, isagoo dhaliyay 1 gool, wuxuuna caawiyay 2 gool kale, laakiin dhaawaciisa dhanka muruqa ah ayaa noqday mud joogta ah xili ciyaareedkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close