Oliver Kahn Oo Dhaleeceeyay Qaab Ciyaareedka Robert Lewandowski Ee Kulankii Real Madrid

(Bayern Munich) 26 Abriil 2018 Goolhaayaha halyayga ah ee kooxda Bayern Munich Oliver Kahn ayaa dhaleeceeyay qaab ciyaareedka weeraryahanka reer Poland ee Robert Lewandowski kulankii Real Madrid ay guuldarada kala kulmeen 2-1 ee lugta hore wareega afar dhamaadka Champions League.

Lewandowski ayaa kala soo hor muuqday Real Madrid qaab ciyaareed aan wanaagsaneen, wuxuuna goolhaayihii hore  Bayern Munich ee Oliver Kahn u sheegay saxaafada.

“Kulamadan oo kale, Lewandowski wuxuu u muuqdaa mid heer hoose qaadanaya”.

“Qimeyntiisa ciyaartan waa mid aad u liidata, ma uusan kaga faa’ideysan sida loo baahnaa fursadihii uu helay, waxay ahayd inuu ku soo afjaro si naxariis daro ah”.

“Jupp Heynckes, ma uusan adeegsan awoodiisa oo idil, taasna waxay sameesay farqi”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close