Jamaahiirta Kooxda Liverpool Oo Farxad Dareensan Sababa La Xiriira Marcelo

(Liverpool) 26 Abriil 2018 Marcelo ayaa kulankii xalay bixiyay qaab weerar wanaagsan kulankii ay guusha kaga gaareen kooxda Bayern Munich 2-1 lugta hore wareega afar dhamaadka tartanka Champions League, kadib markii uu dhaliyay gool aad u qurux badan.

Laakiin difaaca xulka qaranka Brazil ayaa qaab ciyaareed liita ka sameeyay doorkii uu ku lahaa dhanka difaaca, kadib markii ay Real Madrid kala  kulantay Bayern Munich dhibaato dhan kasta ah.

Marcelo ayaa u badnaa dhaqaaqiisa in badan dhanka weerarka, isagoo si dhaqsi ah aanan usoo laaban marka uu lumiyo kubada, taasoo fursad xoogan siineysa xidigaha kooxda kasoo hor jeeda, hadii uusan jirin xidig si toos ah booskiisa u buuxiya.

Si kastaba jamaahiirta kooxda Liverpool ayaa waxay arintan ka muujiyeen rajo aad u xoogan, sababa la xiriira in kooxdooda ay heysato weeraryahan xawaarihiisa dheereeya sida Mohamed Salah oo kale ee si wanaagsan kaga ciyaari kara weerarka dhanka garabka bidix.

Taageerayaasha Reds ayaa rajeenaya in Mohamed Salah uu ka faa’ideysan karo qaladaadka Marcelo, laakiin intaas kahor labada kooxood ayaan wali xaqiijinin u soo bixitaankooda kulanka finalka ee tartanka Champions League.

Qaar ka mid ah jamaahiirta Reds ayaa waxay kusoo qoreen bartooda rasmiga ah ee Twitter-ka arintan, kadib markii ay daawadeen bandhiga difaaca garabka bidix ee xulka qaranka Brazil.

“Waxaan u arkaa in Salah uu ka faa’ideysan doono fursadaha masaafada ah ee ka imaan kara Marcelo 5-tii daqiiqoba mar”.

“Salah wuxuu ku qasbi doono Marcelo inuu xili hore ka fariisto ciyaarista kubada cagta”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close