Carvajal Oo La Shaaciyay Mudada Uu Maqnaan Doono, Miyuu Seegi Doonaa Kulanka Lugta Labaad Ee Bayern Munich?

(Real Madrid) 26 Abriil 2018 Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday mudada uu garoomada ka maqnaan doono,  difaaca kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Spain ee Dani Carvajal, kadib dhaawacii kasoo gaaray kulankii xalay UCL ee kooxda Bayern Munich

Dani Carvajal ayuu dhaawac soo gaaray qeybtii labaad ee ciyaarta taasoo ka hor istaagtay inuu dhameystiro. Zinedine Zidane ayaa lagu qasbay inuu ku bedelo Karim Benzema, halka Lucas Vasquez uu dib ugu laabtay ka ciyaarista booska difaaca garabka midig.

Wargeyska ayaa sheegay in baaritaanadii uu maray Carvajal natiijadii kasoo baxday ay muujisay in laacibka uu u baahan yahay nasiino ah labo ilaa iyo saddex isbuuc, si uu u helo xaalad baxnaano isla markaana uu kaga gudbo dhaawaca soo gaaray.

Zinedine Zidane ayaa hadaba ka war qaba inuusan ku tashan doonin adeega difaaciisa birta ah ee Dani Carvajal kulanka lugta labaad wareega afar dhamaadka ee tartanka Champions League ay kooxda Bayern Munich ku soo dhaweyn doonaan garoonka Santiago Bernabue Talaadada soo aadan.

Laakiin wargeyskan oo si aad ah ugu dhaw kooxda Real Madrid ayaa wuxuu dhinaca kale laabta ugu qaboojiyay jamaahiirta Los Blancos in Carvajal uu qeyb ka noqon doono kulanka finalka ka dhici doon magaalada Kyiv ee dalka Ukraine, waa hadii ay kaga soo gudbaan wareegan kooxda Bayern Munich.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close