Zidane oo dardaaran culus siiyay ciyaartoydiisa ka hor kulanka Bayern Munich

(Munich) 25 Abriil 2018 Tababaraha Real Madrid ee Zinadine Zidane ayaa dardaaran culus siiyay ciyaartoydiisa ka hor kulanka caawa.

Zidane ayaa u sheegay wiilashiisa in si isku duubni leh ay u wajahaan Bayern Munich maadaama uu ogyahay inay dhib badan mari doonaan kulanka caawa.

Sidoo kale, tababaraha reer France ayaa kula dardaarmay ciyaartoydiisa inay u dagaalamaan si aan dhamaad lahayn ilaa ay ka dhamaanayso ciyaarta.

“Si isku duubni leh u ciyaara, ma jirto wax intaas ka badan oo laydinka doonayo, waan ognahay inaan dhibtoon doono laakiin Bayern qudheedo waa ay ogyihiin inay dhibaato badan nagala kulmi doonaan” ayuu u sheegay Zidane ciyaartoydiisa.

“Waqtigaan waa midkii ku haboonaa inaan u dagaalanno libinta sare, waa inaan dagaalannaa ilaa ay ka dhamaanayso ciyaarta”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close