Xidigaha Robben Iyo Boateng Oo Laga Saaray Ciyaarta Kadib Dhaawacyo Soo Gaaray Kulanka Allianz Arena Ee UCL

(Bayern Munich) 25 Abriil 2018 Jupp Heynckes ayaa lagu qasbay inuu xili hore ciyaarta ka saaro xidigiisa garabka kaga ciyaara ee Arjen Robben, kulanka lugta hore ee wareega afar dhamaadka Champions League ee haatan ka soconaya garoonka Allianz Arena, kaasoo u dhexeeya labada kooxood Bayern Munich iyo Real Madrid.

Xiddiga Holand ayaa dareemay dhaawac dhanka muruqa bowdada ah ka dib 8 daqiiqo markii ay bilaawatay ciyaarta, waxaana lagu badalay ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Spain Thiago Alcantara.

Laakiin daqiiqado ka dib, ayay Jupp Heynckes markale sheekada ku xumaatay kadib markii uu bedelay ciyaaryahanka daafaca dhexe kaga ciyaara ee ee Jarmalka ah Boateng kadib markii uu isna dhaawac soo gaaray 23 daqiiqo ka dib.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaana haatan lagu kala nastay barbaro 1-1 ah oo ay labada kooxood Bayern Munich iyo Real Madrid ka macad celinayaan xidigahooda Kimmich iyo Marcelo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close