Mourinho Oo Ku War Galiyay Mid Ka Mid Ah Weeraryahanada Kooxdiisa Inuu Ka Tagi Karo Old Trafford

(Manchester United) 25 Abriil 2018 Sida ay xaqiijineyso saxaafada dalka England tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa ku war galiyay mid ka mid ah weeraryahanada kooxdiisa inuu ka tagi karo kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wargeyska “The Sun” ee dalka England kasoo baxa ayaa sheegay in Mourinho uu u sheegay ciyaaryahanka xulka qaranka France ee Anthony Martial uu ka tagi karo garoonka Old Trafford  dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in laacibka reer France uu kusii jeedo wadadii uu ugu dhaqaaqi lahaa kooxda Juventus ee dalka Talyaaniga, iyadoo sidoo kale laga war qabo in dhamaan kooxaha Paris Saint-Germain, Atletico Madrid iyo Inter Milan ay wada xiiseenayaan.

Wargeyska Talyaaniga ah ee “Toto Sport” ayaa sheegaya sidoo kale in Barcelona iyo Bayern Munich ay ku soo biireen tartanka loogu jiro ciyaaryahanka reer France.

Anthony Martial ayaanan kasoo muuqan kooxda Manchester United tan iyo bartamihii bishii March, ka dib kulankii FA Cup-ka ay kula ciyaareen kooxda Brighton.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close