Miyuu David Alaba Ka Maqnaan Doonaa Safka Bayern Munich Kulanka Caawa Ee Real Madrid?

(Bayern Munich) 25 Abriil 2018 Saxaafada Jarmalka ayaa shaacisay sacadihii dhawaa ee lasoo dhaafay war aan u wanaagsaneen jamaahiirta kooxda Bayern Munich, kaasoo ku aadan in xidiga David Alaba uusan qeyb ka noqon doonin kulanka caawa Real Madrid ay ku soo dhaweyn doonaan Allianz Arena lugta hore wareega afar dhamaadka ee tartanka UEFA Champions League.

48-kii saacadood ee ugu dambeeyay ayay wararka laga helayay gudaha xerada tababarka kooxda Bayern Munich sheegayeen in Bavarianka aysan xaqiijinin ilaa iyo haatan ka qeyb galka kulankan Champions League ee David Alaba.

Wargeyska Jarmalka ee Bild ayaa sheegay in David Alba uusan ciyaari doonin kulanka Real Madrid ee caawa ka dhacaya Allianz Arena, sababa la xiriira in dhaawac dhanka muruqa ah uu qabo, taasoo dharbaaxo kaloo xoogan ku noqoneysa tababare Jupp Heynckes, kadib Arturo Vidal.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close