Harry Kane Oo Ku Qasbi Kara In Real Madrid Ay Lasoo Saxiixato Lewandowski.. Hadaba Sababtee?

(La Liga) 25 Abriil 2018 Madaxweynihii hore kooxda Real Madrid Ramón Calderón ayaa xaqiijiyay in weeraryahanka Tottenham Harry Kane uu yahay musharaxa ugu sareeya ee u dhaqaaqi kara garoonka Santiago Bernabéu Stadium.

Laakiin hadii ay saraakiisha kooxda Real Madrid ay ku adkaato lasoo saxiixashada weeraryahanka xulka qaranka England ayaa waxay ka dhigeysaa inay yeelan doonaan dooqyo kale.

Ramón Calderón ayaa u sheegay wargeyska “Sun” ee dalka England: “Bar-tilmaameedka koowaa ee Real Madrid shaki la’aan waa Harry Kane, sababtoo ah wax badan ayuu inoo qaban doonaa shanta sanno ama lixda sanno ee soo socota, laakiin madaxweynaha Tottenham ayaa codsan doona lacago qaali hadii ay dhacdo inuu iibinayo”.

“Ilaa iyo inta aan ogahay, Tottenham ma dooneyso Harry Kane inuu baxo, laakiin Bayern Munich ayaa sidoo kale ka hortagi karta Levandowski in uu meel kaga dhaqaaqo”.

“Madaxweynaha kooxda Bayern Munich Karl-Heinz Rummenigge – ayaa ku qanacsan in Lepandowski uu kooxda kusii sugnaado xilli ciyaareedka soo socda”.

“Waxaan maqalnay waqtiyo badan, laakiin khibradeyda ciyaaryahanka isaga ayaa iskale go’aanka ugu dambeeya uu ugu dhaqaaqi karo meesha uu doono”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close