Carlo Ancelotti Oo Ka War Bixiyay Waxyaabaha Uu Doonayo Si Uu U Ogolaado Inuu NoqdoTababaraha Koowaad Ee Wadankiisa

(Italy) 25 Abriil 2018 Wargeyska Talyaaniga ah ee “La Gazzetta dello Sport” ayaa shaaca ka qaaday baahiyihii uu u soo jeediyay tababare Carlo Ancelotti xiriirka kubada cagta ee dalka Talyaaniga si uu u ogolaado inuu noqdo tababaraha kooxda koowaad ee wadankiisa.

Carlo Ancelotti ayaa lala xiriirinayay inuu la wareegi doono shaqada xulka qaranka Talyaaniga maalmihii dhawaa ee lasoo dhaafay, wuxuuna kaga hogaaminayaa macalimiinta kale ee Antonio Conte iyo Roberto Mancini oo iyagana shaqadan lala xiriirinayo.

Wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in Carlo Ancelotti uu weydiistay Xiriirka kubada cagta dalka Talyaaniga in hadii uu shaqada tababarka ee xulka talyaaniga qabanayo uu caawiye u noqon doono xidigii hore ee xulka Italy Andrea Pirlo iyo wiilkiisa David Ancelotti.

Haddii ay dhacdo in labada dhinac ay ku heshiiyaan, Carlo Ancelotti ayaa noqon doona tababaraha ugu mushaarka badan tariikhda tababarayaasha xulka qaranka Talyaaniga isagoo mushahar ahaan u heli doon shan milyan euro.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close