Taageerayaasha Liverpool iyo Roma oo is farasaaray ka hor kulanka labada kooxood

(Liverpool) 24 Abriil 2018 Ciyaartu wali ma bilaaban balse taageerayaasha labada kooxood ayaa banaanka garoonka isku fara saaray.

Booliiska ayaa soo kala dhex galay taageerayaasha laba kooxood oo dagaal uu ku dhex marayay mid kamid ah wadooyinka gala garoonka Anfield.

Taageerayaasha Liverpool ayaa caan ku ah xamaasada iyo holaca la shido marka kooxdu ay ciyaarayso kulamada muhiim ka ah ee koobka horyaalada yurub.

Kulankii Manchester City qaar kamid ah taageerayaasha Liverpool ayaa weeraray baskii siday ciyaartoyda City, UEFA ayaana baaraysa dhacdadaas ilaa haatan.

Booliis fara badan ayaa lagu daadiyay wadooyinka gala garoonka Anfield, kuwaas ayaana ku guulaystay inay kala dhex galaan labada taageere.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close