Ronaldo oo u sheegay Zidane laacibka uu doonayo inuu kala ciyaaro weerarka kulanka arbacada

(Madrid) 24 Abriil 2018 Real Madrid ayaa diyaar garowgii ugu danbeeyay ugu jirta kulanka adag ee kooxdu ay u martin doonto Bayern Munich habeen dambe.

Ronaldo ayaa u sheegay tababare Zidane laacibka ay tahay inuu kula lamaaniyo weerarka kulanka lugta hore ee Semi Final-ka Champions League.

Image result for ronaldo asensio

Gooldhaliyaha reer Portugal ayaa ka codsaday tababarihiisa inuu keydka galiyo Benzema kulanka habeen dambe isla markaana weerarka uu ka dhigo isaga iyo Marco Asensio.

Diario Gol ayaa dhankeeda baahisay in kabtan Sergio Ramos uu ka codsaday tababare Zidane in Benzema aan lagu soo bilaabin kulanka Bayern Munich.

Ronaldo ayaa sidoo kale codsaday in qadka dhexe uu ku soo bilowdo Isco kaas oo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay kulamadii Champions League ee xiliciyaareed kaan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close