RASMI: Xiriirka Kubada Cagta Dalka Spain Oo Ku Dhawaaqay Garsoorka Dhex Dhexaadin Doono Kulanka El Clásico

(La Liga) 24 Abriil 2018 Xiriirka kubada cagta ee Spain ayaa go’aansaday in garsoore Alejandro José Hernández Hernández uu maamulo kulanka El Clásico ee kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ku dhex mari doono 6-da bisha May garoonka Camp Nou kana tirsan kulamada 36-aad ee horyaalka La Liga dalka Spain.

Garsoore José Hernández Hernández oo qeyb kasoo noqday shaqada garsoorka sanadii 2014 ayay ku xasuustaan inuu ka sameeyay qaladaad dhowr ah labada kooxoodba, qaladkiisii ugu weynaa ayaa lagu tiriyaa inuu ahaa kulankii dhex maray kooxaha Barcelona ee Real Betis ee xilli ciyaareedkii hore, kadib markii uu ka diiday gool cadaan ah kooxda reer Catalonia.

Garsoorkan ayaa wuxuu soo maamulay kulamo dhowr ah ee El Clásico, oo kii ugu dambeeyay uu ahaa kulankii ka dhacay 23-kii Abriil garoonka Santiago Bernabeu ee xili ciyaareedkii lasoo dhaafay, kaasoo kusoo idlaaday 3-2 ay guul ku gaartay kooxda Barcelona.

José Hernández ayaa siiyay karaka roosaha Sergio Ramos kadib markii uu taakilo xoogan ku sameeyay Lionel Messi qeybtii labaad ee ciyaarta ee kulankan, sidoo kale jamaahiirta reer Catalonia ayaa waxay ku doodeen in laga saaro Casemiro isla ciyaartan, kadib markii uu qaladaad badan ku sameeyay isla xidiga reer Argantina kahor dhamaadka qeybtii hore ee ciyaarta.

Garsoorahan ayaa sidoo kale casaan siiyah Sergio Ramos kulankii El Clasico, kaasoo ka dhacay Camp Nou ee sannadkii 2016, kadib markii ay kulankan Los Blancos guul ku gaartay 2-1.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close