RASMI: Garsooraha Dhex dhexaadin Doona Finalka FA Cup-ka Manchester United iyo Chelsea oo lagu Dhawaaqay

( England ) 24 April 2018. Xariirka Kubadda Cagta England ee FA  ayaa xaqiijiyay garsooraha dhex dhexaadin doona finalka Koobka Fa Cup-ka oo dhici doona maalin sabtiya taariikhduna ay tahay, 19 bisha May.

Michael Oliver ayaa  garsoori doona dheesha finalka ee u dhaxeysa kooxaha Manchester United iyo Chelsea taaso ka dhici doona garoonka Wembley.

Oliver wuxuu rigoore wadno go’ah ku abaalmariyay daqiiqadihii dambe kooxda Real Madrid ciyaartii laabad ay rubac dhamaadka koobka  Champions League Juventus la ciyaareen.

 Michael Oliver has been chosen by The FA to officiate the showdown

Halyeeyga qaranka Italy ee goolka ka ciyaara Gianluigi Buffon ayaa fal celin caro leh ka  muujiyay go’aan Oliver isagoona ciyaarta ka saaray goolhayaha, ka hor inta uusan Buffon garsooraha England kasoo jeeda uusan ku tilmaamin xayawaan kadib wareysi uu saxaafada siiyay ciyaarta kadib.

Balse arinta aadka u adag ayaa ah Oliver qaabke ayuu u maareen karaa xakameenta labada macalin ee Jouse Mourinho iyo Antonio Conte oo finalka iska hor imaan doono iyo hadalada uu kala kulmi karo hogaamiyaashan carada badan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close