Pele Oo Ka Hadlay Lionel Messi, Isagoo Dhinaca Kale Sharaxay Halka Uu Ka Liito Neymar Jr

(Brzil) 24 Abriil 2018 Halyayga xulka qaranka Brazil Pele ayaa xaqiijiyay in Lionel Messi uusan u baahneyn inuu ku guuleysto Koobka Adduunka si uu u noqdo ciyaaryahan weyn.

Dhinaca kale Pele ayaa wuxuu sheegy inuu doonayo ka garab ciyaarista xidiga ay isku dalka kasoo wada jeedaan iyo kooxda Paris Saint-Germain ee Neymr Jr, isagoo sharaxay meelaha qaar uu ka liito xidigan.

“Messi uma baahna inuu ku guuleysto Koobka Aduunka si uu u fiicnaado, sababtoo ah waa ciyaaryahan wanaagsan, laakiin waa muhiim in ciyaaryahan isagoo kale ah uu helo fursad uu ugu guuleysan karo koobka aduunka, sababtoo ah waa ciyaaryahan weyn, shaki la’aan”.

“Neymar waa ay adag tahay in la qiyaaso, lakiin waa xidig wanaagsan marka ay timaado qaabka uu u shaqeenayo, mararka qaar waan la kaf tamaa waxana ku iraahdaa (Aad ayaad u fiican tahay, laakiin ma noqon doontid aniga oo kale), sababtoo ah goolal kuma dhaliyo dhanka madaxa, waa inuu yeeshaa madax aad u wanaagsan, waa xidig aad ugu wanaagsan gambiska, aad ayaan ula kaftamaa, waa ciyaaryahan cajiib ah oo aan shaki ku jirin”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close