Mohamed Salah Oo Ku Guuleystay Inuu Dhaafo Cristiano Ronaldo Xili Ciyaareedkan

(Champions League) 24 Abriil 2018 Mohamed Salah ayaa sii watay in qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah uu ku xado dhamaan taageerayaasha kubada cagta ee aduunka tan iyo markii uu xili ciyaareedkan yimid kooxda Liverpool.

Xidiga xulka qaranka Masar ayaa gaaray goolkiisii 43-aad ee xilli ciyaareedkan ee ah dhamaan tartamada oo idil, isagoo noqday gooldhaliyaha ugu sareysa shanta horyaal ee ugu waaweyn qaarada yurub ee kala ah (Bundesliga, La Liga, Premier League, Serie A, Ligue 1).

Salah ayaa kahor kulanka AS Roma fadhiyay kaalinta labaad ee dhanka kala sareynta gool dhalinta horyaalada waaweyn ee yurub kadib markii uu soo dhaliyay 41 gool, wuxuuna kaga gadaaleeyay Cristiano Ronaldo oo isna soo dhaliyay 42 gool ilaa iyo haatan.

Waxaa xusid mudan in Ronaldo uu kala qeyb gali doono Real Madrid Arbacada kulanka Bayern Munich ay ku booqan doonaan garoonka Allianz Arena ee tartanka Champions League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close