Mohamed Salah Oo Jabiyay Rikoodhkii Samuel Eto’o Kaga Yiilay Champions League

(Champions League) 24 Abriil 2018 Xidigha kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa jabiyay rikoodhkii weeraryahanka reer Cameroon ee Samuel Eto’o, ee ahaa ciyaaryahankii goolasha ugu badan ku dhaliyay hal xili ciyaareed ee  Afrika kasoo jeeda  tartanka Champions League, kadib labadii gool uu Salah kulanka haatan socdo ka dhaliyay Roma.

Weeraryahanka reer Cameroon Samuel Eto’o oo horey u soo maray kooxaha Barcelona iyo Inter Milan isla markaana isaga fariistay kubada cagta ayaa ahaa xidiga qaarada Africa kasoo jeeda ee ugu goolasha badnaa hal xili ciyaareed tartanka Champions League, kadib marka uu kasoo dhaliyay 9 gool.

Laakiin Mohamed Salah ayaa kulanka caawa ka soconaya garoonka Anfield ee lugta hore wareega afar dhamaadka Champions League ku dhaafay rikoodhka Eto’o, kadib markii uu xili ciyaareedkan uu ilaa iyo haatan kasoo dhaliyay UCL 10 gool.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close