Liverpool oo shardi adag ku xirtay inay aqbasho wadahadalada Real Madrid ay ku doonayso Salah

(Liverpool) 24 Abriil 2018 Liverpool ayaa dadaal dheer ugu jirta sidii ay ku sii haysan lahayd weerar yahankeeda Mohamed Salah dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Real Madrid ayaa bartil maameedkeeda koowaad ee suuqa ka dhigatay Mohamed Salah, balse Liverpool ayaa doonaysa in kooxda boqortooyada Spain ay ka tanaasusho ku guulaysiga Champions League.

Image result for liverpool champions league

Liverpool ayaa shardi uga dhigtay inay aqbasho wadahadalada lagu doonayo saxiixa Mohamed Salah in kooxdu ay ku guulaysato koobka horyaalada yurub xiliciyaareed kaan.

Haddii ay suurogasho in Liverpool ay hanato Champions League waxay diyaar u tahay inay wada xaajood la gasho kooxaha doonaya Mohamed Salah.

Laakiin kooxda ayaa u sheegtay kooxaha kale ee doonaya saxiixa Salah inaysan isi soo ceebayn haddii fashil uu ku dhamaado tartanka Liverpool ay ugu jirto Champions League xiliciyaareed kaan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close