Klopp: “Waxa Halkan Soo Gaaray Waa Liverpool Iyo Roma Ee Ma Ahan Man City Iyo Barcelona”.

(Champions League) 23 Abriil 2018 Macalinka reer Germany ee Jürgen Klopp ayaa ka hadlay kulanka sida aadka ah loo wada sugayo ay habeen dambe Talaadada ku wada ciyaari doonaan kooxaha Liverpool iyo Roma lugta hore wareega afar dhamaadka Champions League.

Klopp ayaa kasoo muuqday shirkiisa jaraa’id kahor kulanka ay Anfield kusoo dhaweyn doonaan kooxda reer Talyaani, isagoo dhinaca kale sheegay in kulanka uu yahay mid adag, isla markaana ixtiraam xoogan uu u yahay kooxda reer talyaani ee Roma.

Klopp ayaa hadalkiisa shirkan jaraa’id ku bilaaway: “Waan ogahay in dadku ay sugayeen isla markaana ay filayeen in halkan ay soo gaaraan kooxaha Manchester City iyo Barcelona, laakiin maya waxaa halkan soo gaaray kooxaha Liverpool iyo Rome”

“Qof walba wuu ka war qabaa sida ay cajiib u tahay Roma, waa magaalo aad u qurux badan, waxaan doonayaa in taageerayaasha halkan ay sidoo kale muujiyaan inta ay la egtahay quruxda Liverpool iyo ixtiraamka qof walba ee halkan ku sugan”.

“Waan arki doonaa waxa dhici doona, lakiin dhab ahaantii, ma ahan afarta sano ee soo socota”.

“Difaacyada Talyaaniga ayaa caan ku ah inay si xun u ciyaaraan inta lagu jiro ciyaarta, laakiin Salah ayaa si deg deg ah u ogaan doona inaysan aheyn saaxiibadiis”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close