Ciyaartii shalay baaqatay oo saakay Dhacday iyo Banaadir oo guuldarro ka bad baaday

(Muqdisho) 23 Abriil 2018- Kooxda Banaadir ayaa waqti dambe bar baro heshay ciyaar ka tirsan horyaalka heerka koowaad ee  Soomaaliya.

Kullanka ayaa ahaa mid shalay galab baaqday,kaddib roobkii xooganaa ee ka da’ay Muqdisho.

Ciyaarta ayaa ku billaabatay si dar dar ah,waxaana qaybtii hore lagu kala nastay 1-1

Madbacadda waxaa goolka u dhaliyay xiddiga weerarka ee C/majiid Nuur, halka BSC ay ka heshay kabtankooda Daadir Amiin.

Kullanka oo ahaa mid raacasho adag la isku samaynayay ayaa kaarka cas waxaa labada kooxood laga kala siiyay C/qaadir Aadan Eenoow iyo C/majiid Nuur Yoonis oo weerarka ka wada ciyaara.

Cadiyoow oo ka tirsan Madbacadda ayaa dhaliyay  goolkii labaad, isagoo  kooxdiisa u dhiibay hoggaanka ciyaarta.

Daqiiqadihii dheeriga ee ciyaarta kooxda Banaadir ayaa la timid goolkii bar baraha,waxaana markale shabaqa gaaray Kabtan Daadir oo saakay wacdarro dhigay.

Sikastaba Banaadir ayaa ku sigatay in ay la kullanto guuldarradii saddexaad xilli ciyaareedkaan, balse Daadir Amiin ayaa ka bad baadiyay.

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close