Wenger oo iska fogeeyay inuu ku lug leeyahay doorashada tababaraha badali doona

(London) 22 Abriil 2018 Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa iska fogeeyay inuu ku lug leeyahay doorashada tababarihii isaga badali lahaa.

Arsene Wenger ayaa jimcihii sheegay inuu ka tagayo Arsenal dhamaadka xiliciyaareed kaan, waxaana kadib soo baxay warar sheegaya inuu kooxda u farmuuqay Patrick Vieira.

Kadib guushii kooxdu ay galabta ka gaartay West Ham ayaa la waydiiyay Arsene Wenger inuu wax ra’yi ah ku leeyahay tababaraha isaga badali doona, wuxuuna ku jawaabay:

“Maya, shaqadayda ma ahan doorashada tababaraha i badali doona”.

Wenger ayaa la waydiiyay inuu tababare ka noqonayo markale horyaalka ingiriiska, wuxuuna ku jawaabay:

“Caadifad ahaan haddii aan u hadlo waa ay adag tahay, laakiin ma garanayo sida aan u noolaan doono shaqadaan la’aanteeda, way adag tahay inaan iska fogeeyo waqti xaadirkaan”.

“Waxaan ka doonayaa taageerayaasha Arsenal inay faraxsanaadaan, diyaar ayaan u ahay inaan dhibtoodo si aan u arko iyaga oo faraxsan”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close