Salah Oo Dhiiragaliyay Saaxiibkiis Mohamed Elneny, Kadib Dhaawacii Kasoo Gaaray Kulankii West Ham

(Premier League) 22 April 2018 Mohamed Salah ayaa garab istaagay saaxiibkiis xulka qaranka Masar iyo kooxda Arsenal Mohamed Elneny, kadib dhaawacii kasoo gaaray kulankii Premier League ay maanta kula ciyaareen kooxda West Ham.

Gunnets ayaa guul muhiim ah maanta ka gaartay dhigeeda West Ham, kadib markii ay ku dhufatay 4-1, iyadoo kooxda reer London ay guushan ay gaartay kaga mahad celineyso xidigaheeda kala ah Nacho Monreal, Aaron Ramsey iyo laba gool ee ah Lacazette.

Hadaba kadib dhaawacii soo gaaray Mohamed Elneny ayuu ayuu gooldhaliyaha ugu sareeya kooxda Liverpool ee Salah kusoo qoray bartiisa rasmiga ah ee Twitter-ka: “Insha Alaah waxaan rajeenayaa in dhaawaca uu noqdo mid fudud”.

Salah ayaa xiriir wanaagsan la leh Elneny maadaama ay xirfadooda kubada cagta kasoo bilaaween hal meen isla markaana ay kasoo wada ciyaareen kooxda Basel, waxayna dhanka xulka qaranka Masar kasoo wada bilaaween da’ayarta ilaa iyo ay si wada jir ah ay qeyb kaga noqdeen xulka koowaad ee Masar.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close