Miyuu daawaday Ronaldo kulankii Barcelona ay xalay ku guulaysatay Copa del Rey?

(Madrid) 22 Abriil 2018 Tababare Zidane ayaa fasax dheeri ah siiyay Cristiano Ronaldo ka hor kulanka Real Madrid ay u safrayso Bayern Munich arbacada.

Mundo Deportivo ayaa daaha ka qaaday in Ronaldo uu xalay ku sugnaa Hotel ku yaala magaalada Lisbon isaga iyo saaxiibtiis Georgina Rodriguez.

Wargayska ayaa intaa ku daray in Hotel-ku uu leeyahay shaashado badan oo ku dhagan darbiyada, waxayna xaqiijiyeen in Ronaldo uu daawaday kulankii xalay ay Barcelona 5-0 uga adkaatay Sevilla.

Cristiano Ronaldo ayaa bartiisa Twitter-ka ku xaqiijiyay in isaga iyo saaxbtiis ay ku sugan yihiin Hotel ku yaala dalkiisa Portugal oo fasax gaaban uu ku joogo.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close