Madbacadda oo ka cararaysa in ay u dhacdo heerka labaad oo galabta wajahaysa BSC

(Muqdisho) 22Abriil 2018- Kullan xiiso badan ayuu galabta marti gallin doonaa garoonka Koonis degmada C/casiis ee gobolka Banaadir.

Kooxda BSC ayaa kullan xiiso badan galabta wajahaysa naadiga Madbacadda oo qaab ciyaareed wanaagsan ku soo bandhigaysa horyaalka Soomaaliya.

Xiisaha kullanka ayaa ah in Madbacadda ay ka cararayso in ay dib ugu laabato heerka labaad, halka Banaadir ay doonayso hanashada horyaalka iyadoo hal dhibac u jirsan doonta Dekedda hadii ay badiso ciyaarta galabta.

Kullamadii ay ciyaari lahayd kooxda Banaadir ayaa la soo hormaray iyadoo wax ka yar 10 maalin guddihiisa ku ciyaari doonta afar kullan uu ku jiro midka galabta.

Madbacadda ayaa laga badiyay hal kullan shantii ciyaar ee ugu dambaysay waxaana shan dhibcood ay ka qaadatay kooxaha Heegan,Elman iyo Horseed.

BSC ayaa kooxda labaad ee dhalisay goolasha ugu badan xilli ciyaareedkaan horyaalka Soomaaliya,iyadoo shabaqa taabsiisay 31 gool,waxaana ka badan Dekedda oo iyana dhalisay 33 gool.

Naadiga uu hoggaamiyo Hussein Mbalangu  ayaa bar baro la gashay Dekedda ciyaartii ugu dambaysa halka Madbacadda 1-1 ay la dhaafi waysay Elman.

Saddex dhibac ayee ka sarraysay Madbacadda  naadiga ugu hoosaysa horyaalka oo ah Gaadiidk,a waxaana  Otebaarka ay leedahay 10-dhibcood.

Dhanka kale waxaa si xiiso leh u soconaya horyaalka heerka labaad oo ay ka qayb qaadanayaan 10-kooxood.

Ciyaar aad u adag ayaa galabta ka dhici doonta geegada jaamacaha  waxaana is arki doona kooxaha Rajo iyo Jamuuriya.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close