Kaká Oo Talooyin Wax Ku Ool Ah Ee Ku Aadan Xili Ciyaareedka Soo Aadan U Diray Gennaro Gattuso

(Serie A) 22 April 2018 Halyayga xulka qaranka Brazil Ricardo Kaká ayaa wuxuu ka hadlay mustaqbalka kooxda AC Milan uu hogaaminayo Gennaro Gattuso.

Ricardo Kaká iyo Gennaro Gattuso ayaa waxay saaxiibo kusoo ahaayeen wakhtiyadii wanaagsanaa ee kooxda reer Talyaani, iyadoo labadan halyay ee kubada cagta ay kula soo guuleysteen koobab fara badan ee muhiim ah ee isugu jira kuwa gudaha iyo kuwo heer caalami ah.

Kaka ayaa shaaca ka qaaday sida uu ula dhacsan yahay shaqadii uu Gennaro Gattuso ka qabtay AC Milan tan iyo markii uu kala wareegay Vincenzo Montella oo haatan leeliya kooxda Sevilla.

Halyayga xulka qaranka Brazil ayaa kula taliyay saaxiibkiis hore ee Gattuso inuu si xoogan u galo suuqa kala iibsiga ee soo aadan, si uu loolan adag ula galo kooxaha waaweyn ee horyaalka Serie A, isla markaana ay Milan markale dib ugu soo laabato UEFA Champions League.

Sidoo kale Kaka ayaa u sheegay Gennaro Gattuso inuu sameeyo saxiixa weeraryahanka kooxda Torino ee Andrea Belotti, si uu u hogaamiyo weerarka Milan xili ciyaareedka soo aadan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close