Juventus oo iska diiday saxiixa laacib ka tirsan Barcelona

(Torino) 22 Abriil 2018 Kooxda Juventus ayaa iska diiday saxiixa laacib ka tirsan kooxda Barcelona oo loo soo bandhigay inay la wareegto dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Calcio Mercato ayaa daaha ka qaaday in Barcelona ay u soo bandhigtay Juventus inay la wareegto daafaca reer France ee Lucas Digne suuqa kala iibsiga ee xaggaaga nagu soo aadan.

Image result for ‫جوناس هيكتور‬‎

Laakiin Juventus ayaa iska diiday inay la wareegto Lucas Digne kaas aan boos joogto ah ka haysan kooxdiisa haatan ee Barcelona.

Juventus ayaa xoogeeda isugu gaynaysa dhamaystirka saxiixa daafaca kooxda FC Koln ee Jonas Hector kaas oo ah 27 jir.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close