HORDHACA: Juventus vs Napoli

( Serie a ) 22 April 2018. Fiidnimada caawa waxaa indha lagu wada heen doonaa kulanka go’aamin kara horyaalka Serie a  Xagaagan kasoo dhex maraya kooxda Juventus iyo Napoli.

Labada naadi ayey u dhaxeysaa afar dhibcood waana kuwo si weyn ugu xifaal tamay horyaalka talyaaniga sanadihii lasoo dhaafay in kastoo ay juventus ku guuleysatay horyaalka lix sano oo xiriir ah, balse Napoli ayaa dooneysa in ay ka hor istaagto Bianconeri horyaalkii Todobaad oo isku xiga, waxeyna doonayaan hanashada horyaalka Italy markii ugu horeysay tan iyo sanadkii 1990-kii.

Ogeysiiska ciyaarta

Tartanka: Serie A

Saacada: 09:45 daqiiqo xili geeska Africa

Garsooraha: Gianluca Rocchi

Garoonka: Allianz Stadium

Wararka Kooxaha

Mario Mandzukic iyo Miralem Pjanic ayaa kusoo laabtay tababarka kooxda asbuucaan waxaana la filayaa in weeraryahanka Croatia uu kusoo bilaawdo dhanka weerarka waa hadii Allegri uu u arko mid taam buuxa ah.

Daafaca Mattia De Sciglio ayaa weli dhaawac ah, mana jiro wax dhaawac kale kooxda kaga maqan.

Dhanka kooxda Napoli waxaa ka maqnaan doona daafaca bidix ee Faouzi Ghoulam oo dhaawac qaba, balse warka wanaagsan ayaa ah in kooxda safkeeda uu dib ugu soo laabanyo Kalidou Koulibaly kadib ganaax uu qabay laacibka reer Senegal.

Xaqiiqooyinka ciyaarta

  • Tan iyo guushii ay 3-2 ku badisay Napoli bishii October  ee sanadkii 2009,  kaliya hal mar kale ayey dhibic ku heleen garoonka Juventus waana ciyaar ku dhamaatay 2-2 oo dhacday bishii  May ee sanadkii 2011, wixii markaas ka dambeyay kooxda Napoli waxey la kulantay Sideed guuldaro oo isugu jirta kulamada Horyaalka Serie A iyo Coppa Italia
  • Juventus ayaa badisay afartii kulan ee u dameysay oo ay garoonkeeda kula ciyaarta Napoli dhamaan tartamada
  • Napoli waa guuldaro la’aan 29-kii ciyaar ee u dambeysay oo ay ku ciyaarto meel ka baxsan garoonkeeda
  • Juventus waxeey shabaqa ilaashatay 8 kamid ah 9-kii kulan ee u dameysay garoonkeeda
  • Napoli ayaa iyaguna shabaqa ilaashtay 6 kamid ah 7-dii kulan uu u dambeysay oo ay banaanka kusoo ciyaartay
  • Juventus waa ay badisay 7-dii kulan ee u dambeysay oo ay ku ciyaareen garoonkooda

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close