HORDHACA: FA Cup Chelsea vs Southampton

( FA CUP ) 22 April 2018. Kooxaha Chelsea iyo Southampton ayaa isaga hor imaan doona Afar dhamaadka Koobka FA Cup-ka oo ay finaalkiisa gaartay naadiga united.

Waa rajada kaliya ee sanadkan koob ku qaadi karaan kooxda Blues maadaama ay naadigu ku guuldareysatay difaacashada horyaalka, Sido kalana ay halis ugu jiraan in xagaaga dambe ay kasoo muuqan weyso tartanka Championas League.

Ogeysiiska ciyaarta

Tartanka: FA CUP

Saacada : 05:00 pm xiliga geeska Africa

Garsooraha: Martin Atkinson

Garoonka: Wembley Stadium

Wararka Kooxha

Cayaaryahanada Willian  iyo Eden Hazard ayaa la filayaa iney kusoo laabtaan safka kooxda Chelsea kadib markii labaduba badal ay ku yimaadeen kulankii Burnley.

Marcos Alonso ayaa sii wadan doona ganaaxa sedaxda kulan kadib qaladkii uu kula kacay todobaadkii hore weeraryahanka Southampton ee Shane Long.

Labada laacib ee naadiga Southampton Sofiane Boufal iyo Mario Lemina ayaa la qiimeen doonaa xaladooda kadib markii laga reebay kulankii khamiista ee kooxda Leicester.

Daafaca Jack Stephens weli waa mid la heli Karin isagoo ku maqan kulankii u dambeyay ee ganaaxiisa.

Xaqiiqooyinka ciyaarta

Fool ka Fool

Southampton ayaa ka gudubtay kooxda Chelsea afar kamid ah shan kulan oo ay hore ugu kulmeen koobka FA Cup-ka, laakiin waxaa laga badiyay kulankii u dambeyay ee tarnkaan markaa oo looga adkaaday 5-1 ciyaar wareega sedaax ka tirsaneed oo dhacday sanad ciyaareedkii  2012-13.

Chelsea ayaa lix kulan xariir ah ka badisay kooxda Saints lagu naaneyso dhamaan tartamada markii ugu horeysay.

Sedaxdii kulan ee u dambeysay oo ay kooxahan ku kulmaan horyaalka waxaa la iska dhaliyay 12 gool, oo ay kamid tahay shankii gool ay labadan naadiga iska dhaliyeen todobaadkii lasoo dhaafay ciyaartasoo ay guul xili dambaa gaarta kooxda Chelsea.

Gool FM. 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close