Ernesto Valverde oo abaal mariyay ciyaartoydiisa kadib ku guulaysigii Copa del Rey

(Barcelona) 22 Abriil 2018 Tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa abaal mariyay ciyaartoydiisa kadib markii xalay ay gacanta ku soo dhigeen Copa del Rey.

Barcelona ayaa xalay 5-0 uga adkaatay kooxda Sevilla final-ka koobka boqorka Spain, waxayna ku guulaysatay koobka sanadkii 4-aad oo xiriir ah.

Ernesto Valverde ayaa siiyay ciyaartoydiisa 4-maalin oo fasax ah sida ay baahisay Mundo Deportivo, waxayna dib ugu soo laabanayaan tababarka subaxa khamiista.

Go’aanka tababaraha ayaa yimid maadaama kulanka ugu soo horeeya ay kooxdu ciyaarayso 7-maalin kadib markaas oo ay u safrayaan Deportivo axada dambe.

Barcelona ayaana isbuuca ku xiga marti qaadi doonta Real Madrid.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close