Andres Iniesta oo sheegay waqtiga uu shaacinayo go’aankiisa kama danbaysta ah

(Barcelona) 22 Abriil 2018 Kabtanka kooxda Barcelona ee Andres Iniesta ayaa laga sugayaa inuu soo saaro go’aan kama danbays ah oo ku aadan mustaqbalkiisa kooxda.

Andres Iniesta oo kadib kulankii Sevilla ee xalay la hadlay saxaafada ayaa sheegay in isbuucaan gudihiisa uu soo saarayo go’aankiisa.

Laacibka ayaa xalay ka nixiyay taageerayaasha Barcelona kadib markii uu ilmeeyay kulankii Final-ka Copa del Rey, waxaana loo fasirtay in go’aankiisu uu yahay inuu ka tago kooxda.

“Wuxuu ahaa habeen cajiib ah, isbuucaan gudihiisa ayaan shaacin doonaa go’aankeyga, wuxuu u muuqdaa mid iska cad, laakiin waan arki doonaa wixii dhaca” ayuu yiri Andres Iniesta.

Waxaa la waydiiyay in kulankii xalay uu yahay Final-kii ugu danbeeyay ee uu u ciyaaro Barcelona, wuxuuna ku jawaabay:

“Waa malo oo kaliya, go’aan walba oo aan qaato waa go’aan shaqsi ahaantayda ah”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close