Chelsea Oo U Ogolaaneysa Hazard Inuu U Dhaqaaqo Real Madrid Si Ay Kaga Soo Qaadato Xidigan

( Premier League ) 22 April 2018 Chelsea ayaa dooneysa in Eden Hazard ay u ogolaato u dhaqaaqista kooxda Real Madrid, si badalkiisa ay kaga soo qaadato xidig muhiim ah, kadib dhamaadka xili ciyaareedka marka uu furmo suuqa kala iibsiga.

Roman Abramovich ayaa xiiseenaya inuu shaqaaleysiiyo Gareth Bale, si taas badalkeeda uu ugu ogolaado Real Madrid  xidiga ugu muhiimsan kooxda Blues, sida uu ku waramayo Wargeyska Daily Express ee dalka England.

Eden Hazard ayaa la fahansan yahay inuu doonayo ka dhaqaaqista garoonka Stamford Bridge, si uu qeyb kaga noqdo qorshaha Los Blancos ee xili ciyaareedka soo aadan, laakiin saraakiisha Chelsea ayaa waxay raacdo u gali doonaan inay kaga faa’ideystaan saxiixa Bale.

Abramovich ayaa aaminsan in heshiiskan uu doonayo inuu la galo kooxda Real Madrid ay muhiim u tahay labada kooxood ee Blues iyo Los Blancos si loo dhameystiro suuqa xagaaga ee soo aadan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close