HORDHACA: Arsenal vs West ham united

( Premier League ) 22 April 2018. Kooxda Arsenal ayaa garoonkeeda kusoo dhaweyn doonta naadiga West ham kulan ka tirsan kulamada 35-aad ee horyaalka Premier league.

Ciyaartan ayaa kamid ah kulamada u dambeeya uu arsenal maamuli doono arsene wenger kadib markii uu shaaciyay inuu naadiga ka tagi dooona dhamaadka xagaagn.

Ogeysiiska Ciyaarta

Tartanka: Premier League

Saacada: 03:30 pm xiliga geeska Africa

Garsooraha: Lee Mason

Garoonka: Emirates Stadium

Wararka kooxaha

Macalinka bixi doona ee Arsene Wenger ayaa sheegay inuu kulankan sameyn doono isabadal safkiisaa si uu ugu diyaar garoobo dheesha khamiista ee Afar dhamaadka koobka Europa League.

Aaron Ramsey ayaa la heli karaa kadib markii uu kasoo laabtay dhaawac kubka ah  laakiin Jack Wilshere ayaa laga yaabaa inuu weli kasoo kabanyo dhibaato anqawgaa.

Hogaamiyaha West Ham David Moyes ayaa su’aal ka keentay Joe Hart,waxaana laga yabaa in ka doorbido Adrian ciyaarta Arsenal.

Angelo Ogbonna ayaa shaki yar uu jiraa maadama uu ka dhibaatonayo jilibkiisa.

James Collins uma ahan diyaar kulankan kadib markii uu kasoo laabtay dhaawac muruqaa, laakiin laacibka Pedro Obiang  ayaa si layaab leh usoo laabtay inkastoo uu dhaawac dheer kaga maqnaa kooxda xagaagan.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta

Fool ka Fool

Arsenal ayaa guuldareysatay mar kaliya 21-kii kulan ee u dambeysay oo ay la ciyaaraan tartamad oo dham kooxda West Ham  waana 16 guul, iyo 4 bar baro.

Si kastaba ,naadiga  West Ham labadii guul ee u dambeysay oo ay arsenal ka gareen horyaalka ayey labaduba ku badaniyeen garoonka Emirates waana 2-0 sanadkii  2015 iyo 1-0 sanadkii 2007.

Kooxda West Ham ayaa dhaaman shan kulan oo Premier League guul ku gaartay garoonka arsenal waxaa kaliya sidaas kaga fiican kooxaha Manchester united iyo Liverpool.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close