Luis Figo: “Mauro Icardi Wuxuu Diyaar U Yahay Inuu U Dhaqaaqo Real Madrid”

(Serie A) 21 April 2018 Xidigii hore xulka qaranka Portugal Luis Figo ayaa aaminsan in weeraryahanka Inter Milan Mauro Icardi uu diyaar u yahay inuu ku biiro kooxda reer Spain ee Real Madrid.

Luis Figo ayaa u sheegay shabakada Sky Sports: “Haa waa hubaal in ciyaartoyda waaweyn ee isaga oo kale ah ay la qabsan karaan xaalad kasta ee cusub”.

“Wuxuu leeyahay tayada iyo awoodaha uu ugu ciyaari karo koox kasta, mustaqbalkiisa wuxuu ku tiirsanaan doonaa mashruuca haatan ee Inter, iyo xaalada dhaqaale ee kooxda, sidoo kale wuxuu ku xirnaan doonaa sida uu yahay rabitaanka ciyaaryahanka”.

“Waxaa muhiim u ah isaga inuu gaaro Champions League mar kale, Inter waxa ay seegtay Champions League muddo dheer, lakiin taasi kuma fiicna koox weyn”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close