Koobkii ay ku duceysanaysay Arsenal ee Europe League oo la XADAY!!!!!!!

(Europe) 21 Abriil 2018. Koobkii Europe League oo ay sanadkii hore qaaday Manchester United sanadkanna ay ku duceysanayso kooxda Arsenal ayaa lagu xaday dalka Mexico, balse dib loo soo celiyay isagoo bed qaba.

Europe League oo ay Red Devils sanadkii hore ka qaaday Ajax ayaa laga xaday baabuurkii uu saarnaa kaa oo la fahansan yahay inuu ahaa Baabuurka FedEx.

Maamulka Gobalka Guanajuato ayaa Twitter ka ku shaaciyay in koobka laga xaday magaalada Leon dhacdo meeshaa ka dhaceysay kaddib balse dib loo soo celiyay koobka Europe League isagoo bed qaba.

Koobka ayaa la aamisan yahay in la xaday mar lagu waday mid ka mid ah baabuurta FedEx ee maal galineysa koobka Europe League.

 Eric Abidal takes the Europa League trophy after it was delivered to an event in Lyon to promote this year's final

Arsenal ayaa Semi Final ka Europe League ku wajihi doonta Atletico Madrid iyadoona maanka ku haysa in koobkani yahay wadada kaliya ay uga soo qeyb gali karaan Champions Leageu isla markaana ay si qurxoon ugu macsalaameyn karaan Arsene Wenger oo ka tagi doona dhammaadka kal ciyaareedkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close