Diego Costa oo shaki laga muujinayo inuu ciyaari karo kulanka Arsenal

(Madrid) 21 Abriil 2018 Weerar yahanka Atletico Madrid ee Diego Costa ayaan la hubin inuu taam buuxda u noqon karo kulanka khamiista ee Arsenal.

Atletico Madrid ayaa khamiista u martin doonta kooxda Arsenal lugta hore ee Semi Final-ka Europa League, Diego Costa ayaana shaki laga muujinayaa inuu ciyaari karo kulankaas.

Image result for Diego Costa Simeone

Weerar yahanka qaatay dhalashada dalka Spain ayaa ku dhaawacmay kulan Sporting Lisbon ay 1-0 uga adkaatay kooxdiisa, wuxuuna seegay kulamadii horyaalka ee Levante iyo Real Sociedad, mana ciyaarayo kulanka habeen dambe ee Real Betis.

Tababare Diego Simeone oo ka hadlay suurogalnimada Diego Costa uu ku ciyaari karo kulanka Khamiista ee Arsenal ayaa yiri:

“Fursada uu ku ciyaari karo khamiista waa mid aad u hoosaysa, xaqiiqdii diyaar ayuu u yahay kulanka lugta labaad laakiin uma malaynayo inuu fursad u heli doono safarka London”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close