Waa kuma tababaraha ay doonayaan taageerayaasha Arsenal?

(London) 20 Abriil 2018 Taageerayaasha Arsenal ayaa bilaabay raadinta tababaraha ku haboon laylinta kooxda kadib markii Wenger uu ku dhawaaqay inuu ka tagayo dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Wargayska The Sun ayaa cod uruurin ka dhex sameeyay taageerayaasha Arsenal si ay u doortaan tababarihii badali lahaa Arsene Wenger.

Taageerayaasha ayaa soo muujiyay inay doonayaan tababare Allegri iyo tababare Diego Simeone oo labaduba helay tiro codad isku mid ah.

Labadaan tababare ayaa helay 19% codadkii la dhiibtay, waxaa ku soo xigay Luis Enrique oo helay 17%, halka Henry, Ancelotti iyo Joachim Low ay heleen min 10%.

Patrick Vieira oo aad loogu saadaalinayo shaqadaas isla markaana tababare Wenger uu farmuuqay ayaa helay 6% codadkii la dhiibtay.

Tababarihii hore ee Liverpool ee Brendan Rodgers ayaa isna helay 3% codadkii la dhiibtay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close