Tababaraha xulka qaranka Sweden oo niyad jabiyay Zlatan Ibrahimovic

(Stockholm) 20 Abriil 2018 Tababaraha xulka qaranka Sweden ee Janne Andersson ayaa niyad jabiyay weerar yahanka Los Angeles Galaxy ee Zlatan Ibrahimovic.

Kabtankii hore ee xulka qaranka Sweden ayaa si rasmi ah uga fariistay ciyaaraha caalamiga ah kadib koobkii qaramada qaarada yurub ee 2016.

Waxaana haatan soo baxay warar sheegaya in Zlatan uu dib ugu soo laabanayo xulka si uu u ciyaaro koobka adduunka, laakiin tababare Janne Andersson ayaa beeniyay warkaas, wuxuuna yiri:

Image result for Janne Andersson Zlatan

“Zlatan iyo dhawr laacib oo kale waxay sheegeen inaysan doonayn inay qayb ka noqdaan xulka kadib koobkii qaramada yurub ee lagu qabtay France, aniguna waan ixtiraamayaa go’aankooda”.

“Waxa ay ka hadlayaan saxaafada iyo waxa Zlatan nafsad ahaantiisu uu ka hadlayo ma ahan wax aan aqbali karo, waxaan ku dhaganahay wixii aan horay ugu balanay iyo heshiiskii aan wada gaarnay”.

Janne Andersson ayaa ku adkaystay inuusan xulka dib ugu soo dari doonin laacib mar ku dhawaaqay inuu ka fariistay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close