“Tababaraha cusub ee Arsenal ma heli doono awoodii uu haystay Arsene Wenger”

(London) 20 Abriil 2018 Gudoomiyaha fulinta ee kooxda Arsenal ee Ivan Gazidis ayaa goor dhaw qabtay shir jaraa’id oo uu uga hadlayay bixitaanka Arsene Wenger.

Ivan Gazidis ayaa sheegay in kooxdu haatan ay bilowday inay raadiso badalka ku haboon ee tababare Arsene Wenger oo ka tagaya kooxda dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Wuxuu xaqiijiyay in tababaraha badali doona Wenger uusan heli doonin awood lamid ah tii Arsenal uu ku lahaa tababaraha reer France.

“Ma jiro shaqsi badal dhab ah u noqon kara Wenger waayo waa nin cajiib ah” ayuu yiri Ivan Gazidis.

“Istiraatiijiyad ayaa nooga dagan badalada na horyaala, maanta ayaanan bilownay raadintiisa, ma doonayo in intaas kabadan aan wax sii faah faahiyo, waxaan doonayaa in arinkaas aan ka dhigo mid qarsan oo gaar ah”.

“Dabcan tababaraha cusub ma yeelan doono awoodii uu lahaa Arsene Wenger” ayuu sii raaciyay Ivan Gazidis.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close