QORMADA JIMCAHA: Maxamed Saalax waa TAAJIR, laakiin bil kasta oo RAMADAAN wuxuu….!!

(Europe) 20 Abriil 2018. Qormadeenii tixanaha waxaan Jimcahan ku soo qaadan doonnaa Qisooyin Cajiib ah oo laga soo ururiyay Laacibka Muslimka ah ee Maxamed Saalax.

Maxamed Saalax wuxuu ka dhashay reer heer dhexe ah wuxuuna ugu wayn yahay afar caruur ah.

Hooyadii iyo Aabihii waxay u wada shaqeyn jireen dowladda.

Maxamed wuxuu leeyahay hanti ay dad badan oo naga mid ah ku riyoodaan balse sidaas ay tahay wuxuu u isticmaalaa dhanka wanaagsan oo wuxuu ku caawiyaa kumanaan joogta meeshuu ka soo jeedo.

Natiijada sawirka Mohamed Salah New Car

“Maxamed Saalax wuxuu ku riyoon jiray inuu Taajir noqdo si uu u caawiyo dadkiisa.”. Dr Alaa Al-Ghamrawi ee degan Nagrig ayaa sidaa yiri.

25-jirka Semi Final ka Champions League u soo saaray Liverpool ayaa magaalada uu ka soo jeedo geeyay ambulance-tii ugu horreysay, wuxuuna u iibiyay qalab caafimaad oo aad u qaali ah kaa oo maalin kasta caawiya ama ay adeegiisa ka faa’iideystaan Tobaneeyo.

Wuxuu Nagrig ka furay Hey’ad Samafal uu isagu leeyahay wuxuuna maamule uga dhigay Maher Shatiyah oo ah duqa Magaaladaasi.

Hey’adda ayaa dadka siisa sahayda ay ugu baahi badan yihiin isagoona bil kasta bixiya lacago xoogan oo wax loogu qabanayo dadka tabaaleysan.

Maxamed wuxuu maal galiyaa iminka dhismooyin laga wado meesha uu ku dhashay. Goob caafimaad, Xarunta dhalin yarada iyo waliba Iskuul gabdhaha u gaar ah.

 An image of a medical centre being built in the village, paid for by Mohamed Salah's charitable foundation

Madaxwaynihii hore ee naadiga Zamalek Mamdouh Abbas ayaa Maxamed Saalax u balan qaaday lacago gunno ah kaddib markii uu xulka Masar u soo saaray koobka adduunka markii ugu horreysay tan iyo 1990.

Laakiin geesiga Muslimka ah ayaa Abbas waydiistay inuu lacagahiisa agab caafimaad ugu soo iibiyo dadka degan deegaankuu ka soo jeedo.

“Farxad Sameeye.” Ayaa Maxamed Saalax looga yaqaanaa halka uu ku dhashay ee Nagrig.

Gabar xaafada degan oo lagu magacaabo Magi ayuu guursaday isagoo 20-jir ah, Balse Bil kasta oo Ramadaan ayuu dib ugu soo laaban jiray magaaladiisa si uu Hantidiisa ula wadaago dadka xaafada uguna afuriyo.

Qoyska Maxamed ayaa xaafada oo dhan ku casuumay Arooska wiilkooda, waxaana la sheegay inay ka soo qeyb galeen kumaanaan dadyoow.

Maxamed Saalax ayaa guurkiisa kaddib ilaah ku irsaaqay Gabar uu ugu magac daray dhulka Barakeysan ee Makah.

Waxaa xitaa la sheegay inuu gabadhiisa magaceeda qoraal ahaan ka dhigay Mekka isagoo diidan inay dadka u dhigaan ‘Mecca’, maadaama uu ka cabsi qabay inay u magac ekaato ‘Mecca Bingo’ oo ah goob caan ah oo lagu ciyaaro Game-ka, qamaarka iyo wixii la mid ah.

Qisooyinka Laacibkii hore ee Chelsea iyo Roma ma ahan mid lagu soo koobi karo qoraalkan oo waxaa sidoo kale la xusuustaa mar uu Tuug u soo dhacay reerkooda.

Xiddiga Liverpool ayaa halkii uu xiri lahaa tuuga badalkeeda siiyay Lacag si uu ugu raadsado shaqo cusub.

Waxaa intaa dheer inuu yahay qof dhowrsan oo xishood miiran, Wuxuu aabihii iyo dadka wada dhaq dhaqaaqa heya’diisa Samafalka ka codsadaa markasta inaan magaciisa la sheeg sheegin.

Canug kasta oo ka soo jeeda Nagrig iyo Masaarida badankooda ayaa iminka xirta maaliyada No.11 uu Maxamed saalax u xirto Liverpool, Waa Geesi qaran wuxuuna dhiiro galin u yahay Malaayiin.

Goobo badan oo ku yaala dalkiisa sida Iskuulaad, goobo Isboorti iyo meelo kale ayaa loogu magac daray Maxamed Saalax.

 A sports centre in Nagrig has now been named after the forward

W/D: Abdisamed Mohamed Hassan (Black Yare)

Gool FM.

Xariir La Leh

One Comment

  1. Masha Allah wad ku mahadsantihiin gool fm aormadiinna .
    Waxan idinka codsan lahaa sawirrada aad soo raacinaysaan qoraalka inaad raacisaan ama hoos kaga qortaan wuxuu kahadkayo mahadsanidiin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close