Muxuu ka yiri Fabregas go’aankii uu qaatay tababarihiisii hore ee Arsene Wenger?

(London) 20 Abriil 2018 Kubadd abuuraha Chelsea ee Cesc Fabregas ayaa aad uga murugooday go’aankii uu maanta qaatay tababarihiisii hore ee Arsene Wenger.

Tababaraha reer France ayaa Barcelona ka soo waday Cesc Fabregas isaga oo aad u da’yar, wuxuuna kadib gaarsiiyay ilaa heer uu noqday kabtanka Arsenal ka hor intii uusan dib ugu laaban Barcelona.

Cesc Fabregas ayaa sheegay in waligiis uusan filayn in Wenger uu ka tagayo Arsenal, wuxuuna cadeeyay inuu u joogo booska aabihiis oo kale.

Image result for Wenger Fabregas

30 jirkaan ayaa ku soo qoray bartiisa Instagram-ka:

“Marnaba ma filayn taas, marnaba ma hilmaamayo talooyinkii uu isiiyay, garab istaagiisii iyo hanuunintiisii, wuxuu i aaminsanaa tan iyo maalintaydii iigu horaysay, abaal badan ayaan u haayaa”.

“Aabahey oo kale ayuu ii ahaa, wuxuu igu riixi jiray marwalba sidii aan u noqon lahaa mid fiican, Arsene waxaad u qalantaa ixtiraam oo dhan iyo farxada adduunka”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close