Miyuusan Mudneen in macallin Salaad laga dhigo tababaraha guud ee xulka qarankeena ???

(Bujumbura) 20 April 2018-Khabiirada Isboortiga ayaa aaminsan xiriirka kubadda cagta in ay qaateen go’aankii ugu saxnaa markii ay macallinka da’yarta qarankeena ay u magacaabeen Salaad Jardheeye.

Kubaddii ugu wanaagsanayd sanadahaan xulkeena ayee soo bandhigeen saddexdii ciyaar ee heerka guruubyada tartanka, waxaana taas mahadeeda leh Salaad Faarax Xassan iyo caawiyihiis Daa’uudeey.

Xulka qaranka Soomaaliya ayaa kaalinta koowaad ugu soo baxay guruubka A, tartanka CECAFA U 17,waxaana gool cajiib ah u dhaliyay kullankii ugu dambeeyay xidiga Farxaan Duqoow.

Masuuliyiinta xiriirka kubadda cagta qaaradda Afrika ayaa aad ugu riyaaqay is badelka kubadeed ee Soomaaliya, taa soo ku dhisan isku dhiib iyo raacasho.

Macallin Salaad oo caan ku ah kubadaha baaska ku dheehan ayaa xulka gacanta laga saaray, waxaana ugu dambayn uu ku hoggaaimiyay wareega afar dhamaadka.

Salaad Jardheeye oo horay u soo layliyay Jeenyo ayaa lagu xasuustii ciyaarihii quruxda badnayd ee uu kooxda ku hoggaamiyay, inkastoo uu ka tagay markii dambe.

Ciyaarihii Xulkeena ee sanadihii la soo dhaafay ma jirin kalsooni xiddigaheena ay kubadda ugu haystaan xulka ka soo hor jeeda.

Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya oo aad ugu riyaaqsan Falsafad ciyaareedka macallin Salaad ee uu ku hoggaamiyay Jeenyo ayaa keentay in xilka loo magacaabo.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close