LA OGAADAY: Ancelotti Oo Shaaca Laga Qaaday Arsenal Ama Chelsea Kooxda Uu Jecel Yahay Inuu Leyliyo Xili Ciyaareedka Xiga

(Premier League) 20 April 2018 Saxaafada dalka France ayaa waxay maanta shaaca ka qaaday in Carlo Ancelotti uu xiiseenayo inuu noqdo badalka Arsene Wenger ee kooxda Arsenal xili ciyaareedka soo aadan.

Wargeyska “Lobarezian” ee dalka France ayaa laga soo xiganayaa in Arsenal ay tahay mudnaanta koowaad ee macalinkii hore kooxaha Munich iyo Real Madrid inkastoo uu wada hadal la galay kooxda Chelsea si uu u noqdo badalka Antonio Conte xili ciyaareedka xiga.

Gunners ayaa ah kooxda uu ku fikirayay Carlo Ancelotti sanooyinkii lasoo dhaafay inuu leyliyo, sababa la xidhiidha awooda weyn uu ku dhax leeyahay Arsene Wenger, gaar ahaan saxiixyada iyo maareynta ciyaaraha, waana waxuusan nasiib u yeelan macalinka reer talyaani inuu ka helo kooxdiisii hore ee Bayern Munich.

Si kastaba Kooxda ree Germany ee Bayern Munich ayaa waxay shaqada ka ceyrisay Carlo Ancelotti bishii September ee lasoo dhaafay, sababa la xiriira natiija xumi ku timid kooxda, taasoo sababtay in si ku meel gaar ah uu badal ugu noqo Jupp Heynckes.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close