DAAWO: Mohamed Salah oo diyaarsaday labiskii uu uga qayb gali lahaa xaflada abaalmarinada Premier League

(Liverpool) 20 Abriil 2018 Weerar yahanka kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa diyaarsaday labiskii uu uga qayb gali lahaa xaflada abaal marinada Premier League.

Wiilka reer Masar ayaa si wayn loogu saadaalinayaa inuu ku guulaysan doono abaal marinta xiddiga sanadkaan ee horyaalka ingiriiska.

Salah waxaa la tartamaya ilaa 5-laacib oo kale, waxaase ugu soo dhaw kubadd abuuraha Manchester City ee Kevin De Bruyne kaas oo qudhiisu u codeeyay Mohamed Salah.

Axada ayaa la qaban doonaa xaflada lagu bixinayo abaal marinada Premier League ee xiliciyaareed kaan dhamaadka ah.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close