Álvaro Morata Oo Ka Raali Galiyay Taageerayaasha Chelsea Fal Celin Uu Sameeyay Inta Uu Socday Kulankii Burnley

(Premier League) 20 April 2018. Weeraryahanka xulka qaranka Spain ee Álvaro Morata ayaa ka raali galiyay jamaahiirta kooxda Chelsea fal celin uu sameeyay inta uu socday kulankii ay 2-1 kaga adkaadeen Burnley

Álvaro Morata ayaa boggiisa rasmiga ah ee Twitter-ka kusoo qoray: “Waan jeclaan lahaa inaan raaligelin ka bixiyo fal-dambiyeedkeyga ee markii aan fadhiyay kursiga keydka, kadib markii aan ciyaarta badal kaga baxay, sababtoo ah marka aan guuldareesto waxaan u caroodaa nafteyda”.

“Waxaan helnay saddex dhibcood muhiim ah, guusha aan gaarnay waa habka ugu fiican aan ugu diyaar garoobi karno kulankeena xiga aan kula balansanahay Huddersfield Town”.

Xidiga reer Spain ayaa la arkayay isagoo weerar dhanka afka ah uu ku dhex maray jamaahiirta Blues, kadib marka ciyaarta laga saaray daqiiqadii 71-aad, isagoo si xoogan kaga carooday kadib markii ay dhaleeceen kaga timid taageerayaasha Chelsea, sababa la xiriira in kooxda uu ka qasaariyay fursado sahlan uu kala hor tagay goolka kooxda Burnley.

Chelsea ayaa haatan kaalinta shanaad kaga jirta dhanka kala sareynta Premier League waxayna aruursatay 63 dhibcood, waxayna 5 dhibcood oo kaliya u jirtaa Tottenham Hotspur oo iyadana leh 68 dhibcood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close