WARBIXIN: Real Madrid oo Sameysay Rikoor xumadii ugu darneed ee Kulamada Garoonkeeda Sanad Ciyaareedkan.

( Spain ) 19 April 2018. Xili uu dhamaad ku dhaw yahay sanad ciyaareedka 2017/18 ma ahan mid u wanaagsan kooxda Real Madrid, mar loo fiiriyo kulamada ay ku ciyaartay garoonkeeda tartamada oo dhan.

Real waa koox looga cabsado marka kooxuhu ay soo booqdaan gegida sentiago Bernabeu laakiin kal ciyaareedkan ma ahan sidaa oo waxaa bar baro iyo guulo ku gaaray in ku dhow kala bar kooxaha lagu marti sooray.

Kooxaha kala ah Valencia, Levante, Betis, Tottenham, Fuenlabrada, Barcelona, Numancia, Villarreal, Leganes, Atletico Madrid, Juventus… iyo Athletic Bilbao waa 12 kamid 26 kooxood oo soo booqday Estadio Santiago Bernabeu sanad ciyaareedkan, kuwaas oo ugu yaraan bar baro ama guul ka gaaray naadiga Caasimada Spain.

Sawirka la xidhiidha

Natiijada sawirka Real Madrid 0-3 Barcelona

Natiijada sawirka Real Madrid 1-1 Tottenham

Afar iyo toban guul ah, todoba bar baraa iyo shan guuldaro ah waa natiijooyinka kasoo baxay kulamada ay ilaa iyo hadda Real ku ciyaartay gegideeda, sido kale 64 gool ayey ku dhalisay garoonkeeda waxaana looga dhaliyay 32 gool 26 kulan ay  ku ciyaartay Bernabeu, waana wax aan horay looga baran naadiga Real in rikoor xumadaas garoonkeeda kusoo bandhigto tan iyo fasal ciyaareedkii 1999/2000.

Marka kale ay Real Madrid guudarooyin muruga ah kula kulantay garoonkeeda waxaa gaarsiiyay kooxda Zaragoza (5-1), Atleti (3-1) iyo Bayern Munich (4-2), halka ay sido kale jiraan natiijooyin sabool ah oo ay la gashay naadiyada Oviedo ama Numancia.

Labadii dhibcood ee kaga lumay kulankii bar baraha kula gashay garookeeda habeenimadii  xalay kooxda Athletic Bilbao , Real Madrid ayaa garoonkeeda guud ahaan kulumisay 17 dhibcood xili ciyaareedkan 2017/18.

Waa waxaan horay ugu dhicin Real Madrid tartamada gudaha tan iyo xagaagii  2006/07 uu kooxda leylinayay Fabio Capello laakiin xagaagaas ayaa ahaa xili ciyaareedkii caaka ee kooxdu horyaalka ku hanatay soo labasho kadib kulankii ay ciyaartay maalintii u dambeysay ee kal ciyaareedkaas.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close